Sawir: Press Service of the President of the Republic of Azerbaijan / Wikimedia Commons (CC BY 4.0)
Soomaaliya waxay ku sugan tahay halkii ay ku burburi laheyd. Khudbaddiisii ugu dambeysay, madaxweynaha xilka-gaarsiinta ahi wuxuu sheegay in khatarta ugu weyn ee dalka haysata ay ka timid Emaaraatka. Xaqiiqda khatarta ugu weyn ee maanta haysata dowladnimada Soomaaliya waa sida dalka loo hoggaamiyay afartii sano ee la soo dhaafay, iyo ninkii hoggaaminayay talo xumadiisii.
Markii uu xukunka la wareegay, Soomaaliya way wada joogtay. Hay'adaheedu waa itaal daran yihiin, laakiin waxaa isku xiray heshiis siyaasadeed oo guud. Maanta sidaas ma aha, qofka ugu masuuliyadda badan isbeddelkaas ee ku tuntay wadajirkii umadaan waa kii xilka ugu sarreeyay hayay xasan shiikh maxamuud.
Dhaaminta oo la jebiyay
Afartii sano ee uu xilka hayay wuxuu ku xadgudbay qaanuunkii uu u dhaartay. Wuxuu si keligiis ah u bedelay dastuurkii heshiiska lagu ahaa. Dal jilicsan sida kaanaga oo kale ah, dastuurku ma aha dukumeenti hal hoggaamiye uu keligiis dib u qori karo. Waa heshiiska isku haya beelaha, gobollada iyo xoogagga siyaasadeed ee kala duwan, isagoo hal dowlad ku hoos jira. Haddii si keligii ah loo bedelo, waxaa meesha ka baxaya wixii sharciyadda siinayay.
Waxaan sidoo kale marag ma doonta ah in hantidii dalku lahaa lagu iibsaday hab aan sharciga waafaqsanayn. Soomaali ayaa la barakiciyay saqiir iyo kabiir, guryahoodiina la dumiyay, dhulkoodiina waxaa laga iibsaday ganacsato kadibna lagu takrifalay. Dadkii wax yar haystay waxaa laga dhigay kuwo baaba ah, halka kuwa xukunka ag taagan ay faa'iidaysteen.
Hoggaamiyaha ixtiraama xilka uu hayo, wuu ka degaa marka muddadiisu dhammaato.
eex, musuqmaasuq iyo qaraabokiil ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay ee dalkan soo maray. Xilalka dadweynaha waxaa loola dhaqmay sidii wax saaxiibbada loo qaybiyo, ee ma aha amaano dadka loo hayo.
Diidmada ka degista xilka
Muddo-xileedkiisii wuu dhammaaday, hase yeeshee wuu diiday inuu talada dhulka dhigo. Hadda wuxuu dalka ku haysta xoog. Xilka oo xoog lagu sii hayo waxay dowladda ka dhigtaa koox, kooxna ma midayn karto qaran.
Soomaaliyada uu sheeganayo inuu madaxweyne u yahay, dhab ahaantii waxay ku soo ururtay Muqdisho oo keliya. Madaxweyne awoodiisu gaarto caasimadda oo keliya, oo lumiyay kalsoonida inta badan dalka, ma aha hoggaamiye qaran. Taasi waa natiijada wadadii uu doortay, ciladuna ma aha cadow dibadda ka yimid ee mid uu isagu abuurtay.
Khatarta soo socota
Khatarta ah in Alshabaab dalka la wareegto way weyn tahay. Tani waa akhrin fudud oo suurtogal ah. Dal kala qaybsan, dowlad sharciyad la'aan ah, iyo hoggaamiye iska weyneysiiyey xoogagga siyaasadeed ee ay tahay inay dowladda garab istaagaan, waa duruufihii ugu fiicnaa ee koox hubaysan ay u baahan tahay inay ka faaideysato. Muran kasta oo talada ku saabsan oo aan la xallin wuxuu kooxdaas siinayaa fursado dheeraad ah.
In laga hadlo khataro shisheeye way ku habboon tahay, maadaama eedda meel kale loo wareejinayo. Laakiin dal sida caadiga ah waxba kama qaadi karo shisheeye isagoo midaysan oo si wada ogol ah loo xukumayo. Waxaa lumiya hoggaamiyayaashiisa marka ay baabi'iyaan dastuurka heshiisyada isku haya.
Habka looga bixi karo ma aha mid adag in la fahmo, in kasta oo fulintiisu ay adag tahay. Madaxweynuhu waa inuu danta dalka ka hormariyaa naftiisa, oo talada dhulka dhigaa. Waa inuu ogolaadaa wareejin xilka ah oo wadahadal lagu gaaray, oo dhammaan Soomaalida ku dhex jirta ay aqbali karaan. Maalin kasta oo uu daahiyo waxay adkeyneysaa arrintaas, waxayna xoojinaysaa kuwa doonaya inay dowladnimada Soomaaliyeed dunto.
Tifaftiraha Ladnaan Media.



