Sawir: Ladnaan Media
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc weyn oo lagu horumarinayo laguna casriyeynayo Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay xildhibaano iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, saraakiil ciidan, odayaasha dhaqanka, ganacsato iyo dadweyne kala duwan.
Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu furitaanka ka jeediyey, Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo waddooyinka, ay tahay udub-dhexaad u ah horumarka iyo isku-filnaanshaha. Wuxuu intaas ku daray in mashruucan uu garoonka Gaalkacyo siin doono adeegyo casri ah oo la jaanqaadaya heerka caalamka.
Mashruucan waxaa si wadajir ah u fulinaya dowladda Puntland iyo ganacsatada reer Puntland. Waxaa ku jira ballaarinta iyo dib-u-dhiska dhabbaha diyaaradaha, kaas oo la saarayo laami tayo sare leh si diyaaradaha waaweyn ammaan ugu soo degaan ugana duulaan.
Garoonka waxaa laga dhisayaa terminal cusub oo loogu talagalay adeegga rakaabka. Waxaa lagu qalabayn doonaa xarumo baaritaanka amniga iyo adeegyo kale oo garoonka u baahan yahay.
Qorshaha waxaa kale oo ku jira dhismaha xarumo maamul iyo goobo loogu talagalay adeegyada dab-damiska iyo gurmadka degdegga ah.
Marka la dhammaystiro, garoonka la casriyeeyey waxaa laga filayaa inuu hormariyo adeegyada duulimaadyada, fududeeyo isku socodka dadka iyo ganacsiga, kana xoojiyo doorka Gaalkacyo ee isku xirka gobollada dalka.
Macluumaadka la heli karo kuma jirin kharashka mashruuca iyo goorta la qorsheeyay in dhismuhu dhammaado.



