The presidential compound at Villa Somalia in Mogadishu, with security guards at the main gate.
Soomaaliya Maanta20 Nofembar 20262 daqiiqo akhris

Villa Soomaaliya oo soo koobantay: go'doominta Xasan Shiikh iyo muuqaalkii 1990 oo muuqda

Madaxweynaha Soomaaliya oo go'doon ku jira gudaha iyo dibaddaba, isbarbardhigga maanta iyo maalmihii ugu dambeeyey ee Siyaad Barre waa mid aan la iska indho tiri karin.

Sawir: Ladnaan Media


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, waa mid siyaasad ahaan go'doomay, gudaha dalka iyo dibadiisaba.

Siyaasi waxa uu go'doomaa marka dadkii uu u baahan yahay ay dhinaciisa ka tagaan. Waxaa ka mid ah siyaasiyiinta, hoggaamiye goboleedyada dalka ka jira, muwaadiniinta caadiga ah iyo saaxiibbada dibadda. Cidina ma ogaan karto maalinta ay arrintaasi dhaceyso. Waxay ka muuqataa inta uu gaarayso awoodda dowladda ee dhabta ah iyo sida ay u yar tahay cidda weli difaacaysa go'aamadeeda. Marka arimahaas la eego, inay muuqato in madaxweynuhu maanta kaalin aad u daciif ah inuu ku sugan yahay.

Muuqaalkii 1990

Kuwii noolaa sanadihii ugu dambeeyey ee Maxamed Siyaad Barre waxay garanayaan qaabkan. Sannadkii 1990 wuu isku dhajiyey xukunka. Talo wuu diiday, kuwii ku boorrinayey inuu jidka beddelo ma dhegaysan. Maamulkiisii dalka oo dhan gaari jiray wuu soo ururay ilaa uu ku koobmay Villa Soomaaliya oo keliya.

Isbarbardhigga maalintaas iyo maanta. hoggaanka maanta ee Soomaaliya wuxuu raacay isla waddadaas. Meel adag buu istaagay, talo buu iska fogeeyey, wuxuuna ku soo gabagaboobay inuu dalka ka maamulo derbiyada xarunta madaxtooyada dhexdeeda oo keliya.

Dowlad aan dhegaysan ma xoogeysato, Way soo koobantaa.

Diiwaan taariikhdu miisaami doonto

Xasan Shiikh waxaa lagu xusuusan doonaa inuu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara, marka diiwaankiisa si buuxda dib loo eego. Xukunkaas waxaan ku saleeyey waxa aan u arko inay yihiin dambiyo culus oo uu ka galay Soomaalida iyo dastuurkii lagu heshiiyey ee dalka isku hayey.
Liistadu waa dheer tahay sida aan u arko: barakac, dhul boob, ku takrifal awoodeed, sharci ku tumasho iyo keli talisnimo. Mid walba waxay dhaawacdaa kalsoonida
dadweynaha. Isku-darkoodu wuxuu wiiqay aasaaskii ay Soomaalidu ku heshiiyeen inay hal nidaam ku hoos noolaadaan.

Dastuurku muhiim buu u yahay arrintan, waayo looma qorin hal nin ama hal muddo. Waxa uu ahaa heshiis Soomaalidu si adag u gaadheen oo ku saabsan sida awoodda loo qaybsado, loo xaddido, loona wareejiyo. Marka madaxweyne heshiiskaas u arko carqalad halkii uu u arki lahaa waajib, ma jebinayo xeer oo keliya. Waxa uu jebinayaa ballan dalka oo dhan loo qaaday.

Halka ay dalka ka tagayso

Cadeynta ugu fiican ee doodayda, waa halka Soomaaliya maanta ay taagan tahay. Madaxweyne ahaan lahaa xudunta muuqata ee midnimada qaranka, wuxuu dalka ka maamulaa hal xarun. Taasi waa cabbirka dhabta ah ee go'doominta.

Soomaalidu sheekadan hore ayay u aragtay, way og tahay sida ay ku dhammaaneyso. Awood ku dhisan jajuub iyo xoog, halkii ay ku dhisnaan lahayd ogolaansho iyo sharci, ma waarto. Khasaaraha burburkeeda ma bixiyaan ragga Villada ku jira oo kelia, waxaa saameysaa dadka caadiga ah ee barakacay, ee laga dhacay dhulkooda, ee aan sharci difaaca weysey.

Xikmadda 1990 ka danbeysa waa: Hoggaamiye dadkiisa iyo xeerarkii ay isku raaceen ka dhega-adaygo wuxuu ku dhammaadaa go'doon. Wakhtigu weli ma dhaafin in kuwa talada haysta ay ku cibro qaataan, laakiinse waqtigu kuma sugayo.

Ladnaan Media waxay martiqaadaysaa xafiiska madaxweynaha inuu ka jawaabo qodobbada maqaalkan lagu soo qaaday.

#Somalia politics#Villa Somalia#Hassan Sheikh Mohamud#Siad Barre#Somalia constitution

Ugu dambeeyay Ladnaan

Dhammaan →
Nala soco
InstagramTikTok