TPLF oo cambaareysay hadalkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
Wararka Caalamka1 Nofembar 20251 daqiiqo akhris

TPLF oo cambaareysay hadalkii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa soo saartay bayaan ay si adag ugu cambaareyneyso hadalkii uu toddobaadkan bilowgiisii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ka jeediyey Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa.

Sawir: Ladnaan Media archive


Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa soo saartay bayaan ay si adag ugu cambaareyneyso hadalkii uu toddobaadkan bilowgiisii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ka jeediyey Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa.

Bayaanka TPLF ayaa lagu sheegay in hadallada sii socda ee ka imanaya dowladda federaalka ay halis u yihiin inay sababi karaan xiisad dagaal oo cusub, isla markaana haddii mar kale dagaal qarxo ay taasi keeni karto khatar weyn iyo dhibaato ba’an oo dalka dhan saamaysa.

Kooxdu waxay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay “ku howlan tahay sidii ay heshiiskii nabadeed ee Pretoria uga dhigi lahayd mid aan wax micno ah lahayn,” ka hor inta aysan la fariisan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garwadeenka ka ahaa heshiiskaas.

Bayaanku wuxuu intaas ku daray in, halkii dowladda federaalka ay hubka uga dhigi lahayd ciidammada hubeysan ee ku sugan gobolka Tigray, ay si xoog leh ugu daabulayso hub cusub—taasoo ah jebinta tooska ah ee heshiiskii Pretoria.

Si kastaba ha ahaatee, TPLF iyo shacabka Tigray ayaa lagu sheegay inay si buuxda uga shaqeynayeen hirgelinta dhammaan qodobadii heshiiska nabadda.

Bayaanku wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka inay heshiiskaas u beddeshay arrin farsamo oo keliya, taasoo sababtay in aan si dhab ah loo dhaqan gelin.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu xusay in kaddib dagaalkii Tigray, laga qaaday aqoonsigii sharci ee ururka TPLF, isla markaana loo aqoonsaday “urur argagixiso.”

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa hore u sheegay in uu ka qaaday aqoonsigii sharci ee TPLF, isagoo ku sababeeyay in ururkaasi ku lug lahaa dagaal hubeysan.

TPLF ayaa sheegtay in kaddib wada-hadallo isdaba joog ah oo lala yeeshay dowladda federaalka, la isla fahmay in dib loo soo celiyo aqoonsigii ururka.

Si kastaba, Guddiga Doorashooyinka ayaa ku adkeysanaya in TPLF mar kale la aqoonsan karo oo keliya haddii ay dib isu diiwaangeliso sidii xisbi siyaasadeed cusub, maadaama ururkii hore oo jiray in ka badan soddon sano aanu sharci ahaan sii wadan karin aqoonsigiisii hore. Sidaas darteed, arrintu weli waa mid muran sharci ahi uu ka taagan yahay.

Ugu dambeeyay Ladnaan

Dhammaan →
Nala soco
InstagramTikTok