Sawir: Ladnaan Media archive
Siyaasiga rug-caddaaga ah Diini Maxamed Diini, oo si weyn looga yaqaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka digay in dalka uu ku sii socda waddo burbur ah oo ay adkaan doonto in dib looga soo kabsado haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Diini ayaa sheegay in ka hortagga burburka maanta uu ka fudud yahay soo kabashada berri, isagoo ku baaqay in berri la qabto mudaharaad ballaaran oo lagu muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay u diidan yihiin “dhaqan-xumada iyo sharci-darrada” uu madaxweynuhu ku barakicinayo dadkii danyarta ahaa ee dowladda ay ahayd inay u gurmato oo ay difaacdo.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Diini wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay lama huraan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan si looga hortago nidaamka musuqmaasuqa iyo boobka ku dhisan, kaas oo uu sheegay inuu hormuud u yahay madaxweynihii dalka hoggaaminayay.
Ugu dambeyn, Diini wuxuu baaq u diray shacabka muqdisho, isagoo ku dhiirrigeliyay inay si nabad ah ugu soo baxaan waddooyinka berri, si ay u muujiyaan codkooda, ugana dhiidhiyaan dulmiga iyo cadaalad-darrada uu sheegay in lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.



