Sawir: Ladnaan Media archive
DOHA/WASHINGTON — Dalalka Qatar, Masar iyo Turkiga ayaa ku cadaadinaya Xamas inay ogolaato heshiiska xabbad-joojinta iyo sii-daynta maxaabiista ee uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida ay baahisay Axios Talaadadii. Hase yeeshee, warar is khilaafsan ayaa muujinaya in hoggaamiyeyaasha Xamas ee ku sugan gudaha Gaza ay u janjeeraan diidmo, iyagoo ku tilmaamay heshiiska mid caddaalad-darro ah oo dhinac u janjeera Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-Thani iyo madaxa sirdoonka Masar Xasan Rashaad ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha Xamas magaalada Doha habeenkii Isniinta, halka madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin uu ku biiray wadaxaajoodyada Talaadadii, sida ay u xaqiijiyeen ilo ku dhow wada-hadallada.
Intii lagu jiray kulankii Isniinta, Al-Thani ayaa la sheegay inuu hoggaamiyeyaasha Xamas u sheegay in aysan helayn heshiis ka wanaagsan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Trump si shakhsi ah uga go’an tahay in dagaalka la soo afjaro, taasna ay tahay dammaanad ku filan. Mas’uuliyiinta Xamas ayaa ku jawaabay inay “si daacad ah” u daraaseyn doonaan soo jeedinta, taas oo ku dhacday si la mid ah bayaanka Qadar ee ahaa in Xamas ballan qaaday inay si masuuliyad leh u eegi doonaan.
Heshiiska La Soo Jeediyay
Heshiiska ayaa dhigaya in Xamas ay sii deyn doonto 48 maxbuus oo weli gacanteeda ku jira 72 saac gudahood. Bedelkeed, Israa’iil waxay sii deyn doontaa 250 maxbuus oo Falastiini ah oo ku xukuman xabsi daa’in, 1,700 reer Gaza ah oo la xiray tan iyo weerarkii Xamas ee 7-dii Oktoobar 2023 (oo ay ku jiraan dhammaan haweenka iyo carruurta), iyo 15 mayd oo reer Gaza ah bedelkiiba hal mayd oo maxbuus Israa’iili ah.
Heshiiska ayaa sidoo kale dhigay saddex marxaladood oo Israa’iil uga baxayso Gaza, in Xamas hubka laga dhigo lana kala diro, in gargaarka bani’aadantinimo si aan carqalad lahayn ku gaaro dadka, iyo in maamulka Gaza loo wareejiyo dowlad ku-meelgaar ah oo caalami ah oo aysan ku jirin Xamas ama Maamulka Falastiin.
Laakiin Xamas ayaa diidday inay hubka dhigto inta aan la aqbalin qaranimada Falastiin iyo “dhammaadka gumeysiga.” Waxa kale oo ay si cad uga soo horjeedday ciidanka caalamiga ah ee lagu talagalay inay Gaza la wareegaan, iyadoo ku tilmaamtay “nooc cusub oo gumeysi ah.”
Khilaafka Hoggaanka Xamas
Wararka ayaa muujinaya in hoggaamiyeyaasha Xamas ee gudaha Gaza, gaar ahaan taliyaha milatariga Izz al-Din Haddad, ay aad ugu go’an yihiin dagaal sii socdo, halka hoggaamiyeyaasha dibadda laga sheegay inay dhinac laga riixay maadaama aysan gacanta ku hayn maxaabiista.
Sida uu BBC-da u sheegay sarkaal Xamas ah, shuruudda ah in dhammaan maxaabiista la sii daayo 72 saac gudahood ayaa ah “qodobka ugu adag” ee ay Xamas ku diidayso, maadaama ay u aragto maxaabiista inay yihiin kaliya kaadhka cadaadiska ee ay hayso.
Sarkaalka Xamas ayaa intaa ku daray in soo jeedinta ay “u adeegto danaha Israa’iil” isla markaana ay “iska indho tirto xuquuqda shacabka Falastiin,” taas oo ka dhigan in diidmo rasmi ah ay u badan tahay.



