Sawir: Ladnaan Media archive
Xaalad kacsan ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC, oo maamusha garoonkaas, ay shaqada ka joojisay sifo sharci darro ah tiro shaqaale Soomaaliyeed, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Go’aankan lama filaanka ah ayaa sababay mudaharaad ballaaran oo ka dhacay gudaha garoonka, iyadoo shaqaalaha la eryay ay ku eedeeyeen maamulka shirkadda inay ku dhaqmeen cadaalad darro iyo takoor shaqaale. Mudaharaadayaashu waxay sheegeen in shirkaddu ay shaqaalihii Soomaalida ku beddeshay ajaanib, taasoo dhalisay caro iyo gadood xooggan.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in qaar kamid ah shaqaalaha cusub ee lagu beddelay Soomaalida ay yihiin muwaadiniin ajaanib ah oo laga keenay Turkiga iyo dalal kale, arrintaas oo sii kordhisay caro bulsho isla markaana soo jiidatay dareenka ururrada shaqaalaha iyo bulshada rayidka ah.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay tagaan garoonka si ay u dhex-galaan maamulka shirkadda iyo shaqaalaha la ceyriyay, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu kasii darto haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.
Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in qaar ka mid ah duulimaadyadii ay hakad galeen, kadib markii shaqaalaha muhiimka ah ee qaybaha farsamada iyo adeegyada dhulka ay joojiyeen shaqadoodii si ay u muujiyaan midnimo ay la garab taagan yihiin asxaabtoodii shaqada laga eryay.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo horey uu u jiray khilaaf soo jiitamayay oo u dhexeeyay shaqaalaha maxalliga ah iyo maamulka shirkadda Favori LLC, kaas oo ku saabsan mushaarka, xuquuqda shaqaalaha, iyo eedeymo la xiriira cadaalad darro iyo daryeel la’aan shaqo.
Guddiyo ka tirsan shaqaalaha airporka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah u farageliso, iyagoo ku doodaya in tallaabada shirkaddu ay hoos u dhigeyso xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed isla markaana ay jabinayso xeerarka ilaalinta shaqaalaha.
Mudaharaadkan ayaa muujinaya caro sii kordhaysa oo ay qabaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo ka cabanaya in la hareer mariyay doorkooda, lana tirtiray kaalintooda ku aaddan ka shaqeynta kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, iyagoo sidoo kale ku eedeynaya dowladda federaalka inay dayacday kormeerka iyo ilaalinta heshiisyada shirkadaha shisheeye ee ka hawlgala Soomaaliya.
Ilaa fiidnimadii Talaadada, xaaladda garoonka Aadan Cadde ayaa weli ahayd mid cakiran, iyadoo labada dhinac — maamulka shirkadda iyo shaqaalaha la ceyriyay — ay weli ku adkaysanayaan mowqifyadooda, halka wadahadallo lagu sheegay kuwo dejin ah ay socdeen si loo soo celiyo xasilloonida iyo shaqadii caadiga ahayd ee garoonka.



