Madaxweyne xasan shiikh oo mustaf dhuxulow uga digay takoorka uu ku hayo baasaboorada siyaasiyiinta jubaland
Soomaaliya Maanta5 Oktoobar 20251 daqiiqo akhris

Madaxweyne xasan shiikh oo mustaf dhuxulow uga digay takoorka uu ku hayo baasaboorada siyaasiyiinta jubaland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu soo waramayaa inuu qadka telefoonka ku soo canaantay Agaasimaha hayadda socdaalka iyo Jinsiyadaha Mustaf Dhuhulow kadib markii MD Axmed madoobe uu ka gudbiyay dacwad

Sawir: Ladnaan Media archive


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu soo waramayaa inuu qadka telefoonka ku soo canaantay Agaasimaha hayadda socdaalka iyo Jinsiyadaha Mustaf Dhuhulow kadib markii MD Axmed madoobe uu ka gudbiyay dacwad ku saabsan inuu shacabka Jubaland ka cunaqabateeyay Basaport kii ay xaqa u lahaayeen. Tilaabadaan ayaa ah mid ay go’aan keeda wada lahaayeen Mustafa Dhuhulow & RW Hamza, balse hadda waxey u muuqataa in dambigii oo dhan dusha laga wada saaray Mustaf Dhuhulow oo ah shaqsi inta badan lagu adeegto, Horey ayaa sidaan oo kale loogu eedeeyay in uu u sameynta Basaport ka hor istaagay askartii ku dhaawacantay dagaalka ay Puntland kula jirto daacishta ka dagaalanta buuraha Calmiskaat, ilaa markii dambe uu soo farageliyay Madaxweyne HSM kuna amray Mustafa Dhuhulow in uu si degdeg u xaliyo arintaas. Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa laga yaabaa marka uu Muqdisho ku soo laabto inuu faragelin ku sameeyo hogaanka Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda, kadib markii ay u cadaatay in uu sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya HSJ iyo madaxda maamul goboleedyada dalka

Ugu dambeeyay Ladnaan

Dhammaan →
Nala soco
InstagramTikTok