Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyey qorshaha nabadeed ee Trump 20-qodob ee Gaza
Wararka Caalamka18 Nofembar 20252 daqiiqo akhris

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyey qorshaha nabadeed ee Trump 20-qodob ee Gaza

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Isniintii si aqlabiyad leh u meel mariyey qaraar ay Maraykanku diyaariyeen oo taageeraya qorshaha nabadeed ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Gaza — taas oo noqotay

Sawir: Ladnaan Media archive


Golaha Ammaanka ee QM ayaa Isniintii si aqlabiyad leh u meel mariyey qaraar ay Maraykanku diyaariyeen oo taageeraya qorshaha nabadeed ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Gaza — taas oo noqotay guul diblomaasiyadeed oo weyn oo Washington u soo hoyatay, maadaama ay isku dayayso in qorshahan lagu dabaqo si caalami ah.

Qaraarku wuxuu sharci caalami ah u siinayaa qodobbada muhiimka ah ee qorshaha, oo ay ku jiraan samaynta Ciidamo Ammaanka Caalami ah oo la wareegi doona ammaanka qaybaha Gaza ee Israel ka baxday. Safiirka Maraykanka u fadhiya QM, Michael Waltz, ayaa sheegay in codku muujinayo “taageerada ballaaran ee aragtida madaxweynaha.”

Toddobaadkii ka horeeyay codka, waddamo badan ayaa codsaday faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan qorshaha Trump — gaar ahaan doorka degdegga ah ee Maamulka Falastiin iyo waddada mustaqbalka ee dhanka dowladnimada Falastiin. Ugu dambeyn, 13 dal ayaa u codeeyey oggolaansho, mana jirin cid ka hor timid. Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka aamusay (abstain).

Dowlado badan oo taageeray qaraarka ayaa sheegey in ay weli sugayaan ballan qaadayaal xooggan oo ku saabsan dowladnimada Falastiin. Dhanka kale, Xamaas waxay ku tilmaantay qaraarka mid aan daboolin baahiyaha siyaasadeed iyo bini’aadantinimo ee Falastiiniyiinta, kuna eedeysay inuu adeegayo danaha Israel.

Inkasta oo uu noqday qaraar ay ka soo horjeedaan xubno ka mid ah dowladda Israel, haddana xafiiska Raysalwasaare Benjamin Netanyahu wuxuu soo dhaweeyay ansixinta, isaga oo ku baaqay in waddamada deriska ahi ay la midoobaan Israel “si gobolka looga saaro Hamas.”

Aljeeriya, oo mataleysa dalalka Carabta, waxay u mahadcelisay Maraykanka iyo Trump “doorkooda hogaamineed,” laakiin waxay carrabka ku adkeysay in nabad dhab ah oo Bariga Dhexe ah aysan iman karin ilaa Falastiiniyiintu helaan dowlad madax bannaan.

Halka qodobbada horudhaca ah ee qorshaha — xabbad-joojin, sii-daynta qaar ka mid ah la haystayaashii reer Israel, iyo kordhinta gargaar bini’aadantinimo — ay bilaabmeen, inta badan qorshaha intiisa kale wuu hakad ku jiray illaa qaraarkani u gudbo.

Qaraarku wuxuu abuuraa Guddiga Nabadda (Board of Peace) oo uu Trump hoggaaminayo oo muddo laba sano ah maamuli doona arrimaha ammaanka, maamulka iyo dib-u-dhiska Gaza. Guddigan ayaa la shaqayn doona guddi farsamo oo Falastiini ah oo maalin walba maareyn doona adeega bulshada.

Qaraarku wuxuu sidoo kale oggolaanayaa in la dhiso Ciidamo Caalami ah oo KMG ah (ISF) oo la shaqayn doona boolis Falastiiniyeed oo cusub, si loo sugo xuduudaha, loo hub ka dhigo kooxaha hubeysan, loona ilaaliyo howlaha bini’aadantinimo.

Ugu dambeyntii, marka xaaladdu degto, ciidamada Israel ayaa tartiib tartiib uga bixi doona Gaza, laakiin waxay sii wadi doonaan joogitaanka aagga amniga ee la cayimay. Markii Maamulka Falastiin dib loo habeeyo, waxaa lagu wareejin doonaa maamulka Gaza, taas oo laga yaabo inay dhisto waddo dhab ah oo loo maro is-maamul iyo dowladnimo Falastiini ah.

Ka hor inta aan la codeyn, mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa cadaadis saaray xubnaha Golaha si aysan u taageerin qaraar kale oo uu Ruushku soo jeediyey, iyagoo ku andacoonayay in khilaafaadka la abuuro ay waxyeello u geysan doonaan dadka Gaza.

Si kastaba, gudaha Israel qaraarku wuxuu kiciyey khilaafyo — wasiirro dhowr ah ayaa ku celceliyay in Israel “waligeed” aysan aqbali doonin dowlad Falastiin ah. Netanyahu-na wuxuu ku adkaystay mowqifkiisa diidmada, isagoo sheegay inuusan u baahnayn “casharro ama faallooyin.”

Ugu dambeeyay Ladnaan

Dhammaan →
Nala soco
InstagramTikTok