Sawir: Ladnaan Media archive
Dadaalka muddada dheer ee Soomaaliya ugu jirtay dhisidda dawlad shaqeysa waxay laheyd caqabado badan, balse mid ka mid ah kuwa ugu guracan uguna halista badan waa xeerka u oggolaanaya xildhibaan inuu isagoo xildhibaan ah haddana golaha wasiirada ka mid noqon karo. Waa wax u muuqda dhaqan siyaasadeed oo aan dhib lahayn ayaa dhab ahaantii noqday caqabad curyaamisay horumarka dowladnimada soomaaliya kuna dilootay tiirka isla-xisaabtankii ee dawladnimadu ku dhisanto.
Marka xildhibaan weli kursigiisii xildhibaaanimo haysta uu noqdo wasiir, codkii shacabka ee uu matalayay wuu baaba’aa, waxaana loo rogaa mid gaashaan uu u noqdo golaha fulinta. Halkii uu su’aal gelin lahaa ku takifalka awoodda, wuxuu bilaabaa inuu difaaco. Halkii uu u istaagi lahaa danta muwaadiniinta, wuxuu u adeega difaacista gaboodfalada dowladda—xitaa marka ay dowladda qalad ku socoto. Halkaa ayaa nidaamkii ku qalloocmay, waxaana baarlamaankii loo beddelay meel daacadnimo siyaasadeed lagu kala ilaashado halkii uu ka ahaan lahaa hay’ad hubisa oo joogteeya isla xisaabtanka.
Dhibaatadii ka dhalatay si maragmadoonta ah ayay ka muuqataa. Madaxweynayaashii is xigxigay waxay golaha wasiirada ka buuxiyeen xildhibaano—kuma dhisneyn karti darteed, balse si loo hubiyo afqabadka xildhibaanka: ka aamusnaanta musuqmaasuqa, ka aamusnaanta caddaalad darrada, ka aamusnaanta go’aannada dad jilicsan guryahoodii looga barakiciyey, dhulkana loogu kala iibinayo si qarsoodi ah sharuucda dalkana aan waafaqsaneyn, taas oo kalsoonidii shacabka dhaawacday. Eedeymaha ku saabsan ku takrifalka hantida qaranka iyo barakicinta bulshada danyarta ah intii lagu jiray maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay adkeeyeen shiidka iyo jawiga kalsoonida shacabka. In kasta oo eedeymahaas u baahan yihiin baaritaan rasmi ah, haddana xaqiiq aan la dafiri karin baa jirta: qaab-dhismeedka hadda jira wuxuu fududeeyaa ku xad-gudubka sharciga, wuxuuna adkeeyaa isla-xisaabtanka.
Dawlad aan lahayn isla-xisaabtan waxay isu beddeshaa dawlad aan lahayn damiir.
Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam difaac u noqda shacabka, kana ilaaliya ku takrifalka awood aan xad lahayn. Ummad soo martay dhibaatooyin, barakac iyo deggenaansho la’aan sanado badan waxay xaq u leedahay mas’uuliyiin jawaab ka bixin kara waxa ay qabtaan—ma aha mid ku dhisan danaha shaqsiyadeed, ma aha heshiisyada sharciga marin habaabinayo, mana aha difaaca dano shakhsiyeed. Talaabada ugu horreysa ee hagaajin karta nidaamka khaldan waa tan: in la joojiyo xeerka u oggolaanaya xildhibaan inuu marna ahaado wasiir isaga oo weli xildhibaan ah. Lama oggola inuu qof laba kursi ku fariisto. Lama oggolaan karo inuu noqdo kan su’aal gelinaya iyo kan la su’aal gelinayo isku mid.
Ha yeesho baarlamaanku waa inuu noqdaa oo keliya mid hal shaqo oo cad leh: ilaalinta sharciga iyo danta shacabka.
Ha yeesho golaha wasiiraduna hal shaqo oo cad: qabashada adeegyada qaranka.
Labada hay’adoodna waa in si kala cad oo madax-bannaan iskula xisaabtamaan.
Isbeddelkan ma aha wax yar; waa tallaabo badbaado qaran. Waa fursad lagu soo celin karo karaamadii hay’adaha, laguna dhisi karo kalsoonida shacabka, laguna hagaajin karo jihadii dalka. Soomaaliya ma horumari karto ilaa laga xiro godka sharci ee muddo dheer horumarka hortaagnaa.
Jidka loo maro dawlad adag wuxuu ka bilaabmaa doorashada akhlaaqda, isla-xisaabtanka iyo caddaaladda—iyaga oo ka sarreeya danaha gaarka ah.
Waxay ku bilaabataa erey keliya: Maya laba kursi. Maya isbarbar yaac awood. Maya marmarsiiyo.
Soomaaliya waxay u qalantaa dawlad u adeegta shacabka—ee uusan shacabku u adeegayn.



