Soomaaliya oo cagta saartay wadadii kelitaliska, Isla Xisaabtan la’aanta iyo Sharci ku tumashada
Somalia Today7 Nov 20253 min read

Soomaaliya oo cagta saartay wadadii kelitaliska, Isla Xisaabtan la’aanta iyo Sharci ku tumashada

Waxaa maanta Soomaaliya ka taagan su’aal adag oo qaran — mid ay shacabka, baarlamaanka iyo beesha caalamka ay isku raacsan yihiin inay mudan tahay in si dhab ah leyskaga wareysto: sidee ayuu Madaxweyn

Photo: Ladnaan Media archive


Waxaa maanta Soomaaliya ka taagan su’aal adag oo qaran — mid ay shacabka, baarlamaanka iyo beesha caalamka ay isku raacsan yihiin inay mudan tahay in si dhab ah leyskaga wareysto: sidee ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku urursaday awoodda intan la eg, xilli madaxdii isaga ka horreysay, oo xitaa ku fiicnayd dhinacyada isla xisaabtanka iyo hay’ad dhisidda, oo weliba si aad ah loo dhaliili jiray Xasan shiikhna siduu doono ka yeelo dowladnimadii sharcigina ku tunto? weliba rabo in dib loo soo doorto xoog iyo xeeladba.

Jawaabtu waxaad ka dhex heleysaa isbeddelka dowladnimada maanta oo si tartiib tartiib ah u wiiqaysa nidaamkii dastuuriga ahaa ee dalku ku tiirsanaa —una horseedeysa isbeddel halis gelinaya wixii horumar ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Laga soo bilaabo Wada-tashi ilaa Kalitalisnimo

Markii Xasan Sheekh dib ugu soo laabtay Villa Soomaaliya sanadkii 2022, dad badani waxay filayeen in waayo-aragnimadiisu horseedi doonto dowlad daahfuran oo isu keenta dalka. Laakiin, sida ay dhaliilayaashu sheegayaan, xukunkiisa labaad waxuu noqday mid ku saleysan awood urursi, cadaadis siyaasadeed, iyo hay’adihii dowladeed oo la siyaasadeeyay.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, kala madaxbanaanida iyo isla xisaabtanka hayadihii dowladda ayaa la wiiqay. Baarlamaanka waxaa laga dhigay shaabad saxiixda go’aamada oo kaliya; garsoorkana waxaa lagu beddelay fulinta amar siyaasadeed; halka nidaamkii federaalka — ee ku dhisnaa dastuurka ku-meelgaarka ah — lagu burburinayo go’aanno hal dhinac ah iyo lacag lagu cabburiyo dowlad-goboleedyada aan raacsanayn Villa Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer qorshayaal lagu doonayo in dastuurka hal dhinac oo keliya wax ka beddelo si loogu gogol xaaro muddo xileed aan xad lahayn, iyadoo lagu marmarsiyoonayo doorasho qof iyo cod iyo “xasilooni siyaasadeed.”

Musuqmaasuq iyo Barakicin: Qiimaha Lagu Bixiyay Kalsoonida

Xukuumadda hadda jirta waxaa hareeyay eedo waaweyn oo la xiriira musuqmaasuq baahsan, dhul boob, iyo barakicin qasab ah. Warbixino ay soo saareen bulshada rayidka ah iyo dadka barakacay ayaa muujinaya in dhulal ballaaran oo ku yaal Muqdisho iyo hareeraheeda lagu wareejiyey shaqsiyaad gaar ah, iyadoo qoysas danyar ah looga saaray si xoog ah iyadoo aanan wax dib u dejin ah loo sameynin.

Cabashooyinkan halkii laga xallin lahaa, waxaa lagu beddelay caburin, caga juglayn iyo beenin, taas oo sii hurisay niyad-jabka shacabka oo markii horeba ka daalay ballanqaadyo been ah.

Qaran Kala Jeeda

Halka hoggaamiyaha looga baahnaa inuu mideeyo dowlad-goboleedyada, Villa Soomaaliya waxay dooratay waddo kale — mid ku dhisan kala qaybin, cadaadis iyo cabburin. Qaybinta kheyraadka iyo taageerada siyaasadeed ayaa noqday hub lagu abaalmariyo kuwa daacad ah, laguna ciqaabo kuwa u taagan ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta.

Tallaabooyinkan waxay dhaawaceen nidaamkii federaalka, waxayna daciifiyeen awooddii qaranka ee la dagaalanka argagixisada, iyadoo mucaarad siyaasadeed iyo mid hubeysanba loo fududeeyay inay ka faa’iideystaan kalsooni darro guud.

Arrimaha Dibadda oo Jahwareeray

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, oo horay u ahayd mid deggan oo istiraatiiji leh, ayaa hadda noqotay mid ku saleysan dano siyaasadeed oo gaar ah. Xiriirrada dariska iyo mowqifka gobolka ayaa noqday kuwo aan la saadaalin karin, halka sumcaddii Soomaaliya ee caalamka ay hoos u dhacday.

Siyaasaddu waxay isu bedeshay qalab lagu xoojiyo kursiga, halkii ay ka ahaan lahayd tiir lagu dhiso danaha qaranka Soomaaliya.

Baahida Hoggaan ku Dhisan Sharciga iyo Isla Xisaabtanka

Soomaaliya ma heyso aqoon la’aan, karti ama dad daacad ah — balse waxa ay si xanuun leh u la’yihiin waa hoggaan ku abtirsada sharciga iyo hay’adaha dowliga, ee aan ku tiirsanayn shaqsi iyo dano gaar ah.

Mustaqbalka dalka wuxuu ku xiran yahay in awoodda lagu xakameeyo xeer iyo nidaam, ee aan lagu kalsoonaan “ninkan waa igu qabiil iyo wuu fiican yahay.”

Hogaansanaanta Sharciga ayaa noqon kara badbaadada kaliya ee Soomaaliya.

Dib-u-dhiska kalsoonida wuxay u baahan tahay in la soo celiyo daahfurnaanta, wadatashiga federaalka, iyo kala sarreynta hay’adaha. Dowladda iyo shacabka waa inay si wadajir ah u diidaan nidaam kasta oo awoodda lagu ururinayo gacanta hal qof.

Baaq Qaran

Shacabku weli rajo kama quusan — waxay weli ku riyoonayaan dal cadaalad ah, xasiloon, oo hay’adihiisu ka madax-bannaan yihiin qof kasta. Casharka ugu weyn ee sannadihii u dambeeyay laga bartay waa mid cad: awood aan sharcigu xakameyn waxay horseeddaa burbur iyo kala tag.

Haddii Soomaaliya rabto inay hore u socoto, waa in hoggaankeedu fahmaan in sharciyadda aan lagu kasban cabsi iyo xoog, balse lagu kasbado ixtiraamka dastuurka iyo rabitaanka shacabka.

Latest from Ladnaan

See all →
Follow us
InstagramTikTok