Photo: Ladnaan Media archive
Mohamed Musse: Political analyst, Former Federal Election Commissioner
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal federaal ah oo uu hageyo Dastuur qeexaya kala sarreynta awoodaha, madaxbannaanida dowlad-goboleedyada, iyo xuduudaha iyo awoodda madaxweynaha federaalka. Maanta, mabaa’diidaas dastuuriga ah si cad ayaa loo baalmarayaa.
Sharci-darro ayey tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu faragelin ku sameeyo habka loo dooranayo hoggaanka dowlad-goboleedyada ama inuu saameyn ku yeesho cidda ay noqonayaan madaxweynayaashooda. Sidoo kale waa sharci-darro in dowladda federaalku maamusho, hagto ama maareyso doorashooyinka dowlad-goboleedyada.
Nidaamka federaalka ee Soomaaliya wuxuu dhigaya in dowlad-goboleed kasta uu leeyahay dastuur u gaar ah, oo ay ansixiyeen dadkiisa iyo hay’adihiisa, kaasoo qeexaya sida loo doorto hoggaankiisa. Meelna—dhab ahaantii meelna—laguma beddelin lagumana joojin dastuurkaas. Sidaas darteed, isku day kasta oo dowladda federaalku ku doonayso inay la wareegto doorashooyinka dowlad-goboleedyada ma laha sal sharciyeed.
Isku dayga lagu soo rogay guddi doorasho oo gacanta ku rimis ah—oo uu hoggaaminayo Axmed Abdi Xasan—kana dhigay in ay maamulaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada waa weerar toos ah oo ka dhan ah federaalka, sharciga, iyo mabda’a awood qeybsiga. Tani ma aha taageero; waa faragelin. Ma aha wada-shaqeyn; waa ku amar-ku-taagleyn. Mana aha mid dastuur waafaqsan; waa xadgudub dowladeed.
Dal federaal ah, awooddu waxay ka timaadaa hoos una socotaa kor—ma aha inay kor ka timaado oo hoos loo soo riixo. Awooddahu waa kala qeybsan yihiin—lagumana ururin hal meel. Federaalku wuxuu ku saleysan yahay in looga hortago kaligii-talisnimo, awood urursi iyo gacan saar siyaasadeed. Soomaaliya federaal waxay u qaadatay si ay uga fogaato soo noqoshada nidaam kali-talis ah iyo anaa iri.
Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka oo isku dayaya inuu hago, saameeyo ama farsameeyo cidda hogaamineysa dowlad-goboleedyada waa ku xadgudub cad:
• ku dhqanka iyo qoraalka Dastuurka KMG ah,
• Madaxbannaanida iyo wda shaqeynta dowlad-goboleedyada,
• Mabda’a daadajinta awooddaha iyo awood-qeybsiga.
Dowlad-goboleedyada waxay hoggaankooda ku doortaan hababka dastuurkooda ku qoran—ee maaha xafiiska madaxweynaha, maaha wasiirro federaal ah, mana noqon karaan guddi Villa Soomaaliya laga soo magacaabay.
Soomaaliya ma aha dal lagu maamulo amar madaxweyne oo keliya mana noqon karo.
Soomaaliya waa dal federaal ah oo ku dhisan awood wadaag, sharciyad, iyo ixtiraam madaxbannaanida dowlad-goboleedyada.
Faragelinta joogtada ah ee arrimaha gudaha iyo doorashooyinka dowlad-goboleedyada waxay wiiqaysaa saldhigga dowladnimada Soomaaliyeed waxaana khatar la gelinayaa qaab-dhismeedka federaalka oo horeba u jilicsanaa.
Sidaa darteed, si loo dhowro xasilloonida, sharciyadda iyo mustaqbalka federaalka:



