Dowladnimadii Soomaaliya oo Gaartay Heerkedii Ugu Hooseeyay: Markii Hal Qof uu Noqdo Hay’ad Walba
Somalia Today2 Oct 20254 min read

Dowladnimadii Soomaaliya oo Gaartay Heerkedii Ugu Hooseeyay: Markii Hal Qof uu Noqdo Hay’ad Walba

Falanqeyn Tijaabada jilicsan ee Soomaaliya ee ku dhisan dastuur iyo kala xadeynta awoodaha weligeed ma gaarin xilli ay ka nugushahay maanta.

Photo: Ladnaan Media archive


Falanqeyn

Tijaabada jilicsan ee Soomaaliya ee ku dhisan dastuur iyo kala xadeynta awoodaha weligeed ma gaarin xilli ay ka nugushahay maanta. Sida ay sheegeen indheer-garad badan, xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la rumeysan yahay inuu tirtiray xuduudihii u dhexeeyay hayadaha fulinta, sharcidejinta iyo garsoorka, isaga oo awoodahaas badan ku ururiyey gacanta Villa Soomaaliya. Dad badan baa u arka, inaysan dhaqan dowladnimo ahayn; balse ay tahay maamul keli-ku dhisan nidaam dictatoori ah.

Fulinta meel walba—la xisaabtan la’aan

Dal caafimaad qaba, awooduhu way kala madaxbanaan yihiin oo way is dheellitiraan. Maanta Muqdisho, sida ay sheegayaan dhaliiluhu, go’aannadu hal meel bay ka soo baxaan, meelaha kalena ka dib ayey ka noqdaan shaabad sharciyeysa. Wasiiro waxay noqdaan cod-qaadayaal Villa Soomaaliya; doodaha baarlamaankuna mararka qaar waxay u ekaadaan geed-fadhi hore loo sii qorsheeyay, ee ma laha kormeer dhab ah. halkii ay ahayd inay noqdaan kuwa sharciga dhowra oo dowladnimada dheellitira, ayaa ka doortay inay noqdaan sidii hal naq u jeeda oo kale.

“Wadahadal” u ekaaday cadaadis

Dawladda dhexe waxay ku tilmaantaa kulammada ay la yeelaneyso madaxda maamullada ay ishayaan federaalka tilaabooyin dib-u-heshiisiineed. Hase yeeshee, hab-raaca wadahadalka Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sii fogeeyay kalsoonidii dib-u heshiinta. Eedeymo ayaa jira in cutubyo khaas ah oo daacad u ah madaxtooyada loo diray Kismaayo ka hor kulankii la qorsheeyay—sawir muujinaya in wada hadalku u ekaanayo mid aan qalbiyada ka soo goin balse cadaadis siyaasadeed ku yimid. Sidoo kale, waxaa lagu dhaliilay in arrimo maxkamadeed oo hore u taagnaa soo qabashada Axmed Madoobe aan weli laxalin amaba awalba ay ahayd mid loo adeegsanayey arrimo siyaasadeed, taas oo xoojisay aragtida ah in maxkamaduhu yihiin kuwo muuqaal ahaan u jira oo aan garsoor dhab ah ahayn. Eedeymahani waxay ka turjumayaan siyaasad ahaan mid mugdi badan ku jiro, waxaana ka dhalan kara walaac ballaaran: marka xoog ka soo horjeeda iridka goobta wadahalka joogaan, wadahadalka gudaha ka socdaa weligiis ma noqonayo mid xor ah.

Baarlamaan shaabad noqday, maxkamado dhegta wax loogu sheego

Baarlamaan aan awood u lahayn in uu wax beddelo, diido ama xitaa dib u dhigo fulinta ma aha hay’ad sharcidejin; waa af-hayeen. Garsoor la moodo in warqad iyo telefoon lagu maamulo ma kasban karo ixtiraam, ee wuxuu dhalin karaa cabsi. Marka muwaadiniintu ku qancaan in amarrada maxkamaddu yihiin talo, codadka baarlamaankuna yihiin wax la sii ogyahay, xukunkii sharciga wuxuu isu beddelaa xukun ku dhisan hawo iyo rabitaan.

Garguurashada amniga dawlad

Caqabadaha amniga ee Soomaaliya waa dhab oo waa joogto. Laakiin “amnigu” ma noqon karo dareere lagu milo xadeynta dastuuriga ah. Marka ciidamada dowladu ku milmaan siyaasadda, koontaroolada isgoysyada waxay noqdaan kuwo laga qadariyo xisbiga dowladda oo kaliya. Xanta—xaqiiqo ha ahaato ama ha ahaatee—ee sheegaysa in hay’adaha amniga loo adeegsanayo loollan siyaasadeed waxay wiiqdaa sharciyadda oo waxay hurisaa colaad. Dawlad aan sharciga ku dhisneyn waxay isu beddeshaa dawlad dictatoori ah.

ka soo noqoshada heshiis qaran, dib ugu laabashada heshiis beeleed

Isbeddelka ugu sunta badan waa isbedel maskaxeedka. Marka wadahadallada Villa Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaha Jubaland Axmed Madobe u ekaadaan heshiis beeleed halkii ay ka ahaan lahaayeen hawl qaran, muwaadiniintu waxay u arkaan dib-u-gurasho ka timid qaranimo. Ballankii aqoonsi muwaadinimo oo ka sarreeya beel iyo koox wuxuu noqday mid sii yaraada. Haddii kulammada dib-u-heshiisiintu u ekaadaan is-afgarad “laba nin oo madax-beeleed” ah, dastuurkuna wuxuu noqdaa mid aan jirin, oo wax lagu maamulo.

Maxaa hadda soo kordhay?

Soomaaliya ma qaadi karto madaxweyne wax walba isaga ah. Awood urursi xad-dhaaf ahi waxay dhalisaa siyaasad nugul: waxay sii jiri kartaa—illaa ay jabto. Maalinta ay jabto, wax miisaan ah oo lagu dheelitirayo ma jiri doono. Hay’adihii la gees maray xilligii awood urursiga ma shaqeyn karaan saacadda qalalaasaha. arintu waxay noqotaa oo kale bangi lagalama bixi karo lacag hadii aadan horey ugu keydsan.

Jidka lagu soo ceshan karo dowladnimo

• Xoojinta kormeerka baarlamaanka. Guddiyo leh awood u-yeerid (subpoena), dhageysiyo furan, iyo waqti ay ku akhriyaan waxa ay codka ka dhiibanayaan. Shaabadda oo keliya qaran ma dhisto.

• Madax-bannaaneynta garsoorka. Hab cad oo magacaabis garsoore, muddooyin qeexan, iyo awood ciqaab marka amar maxkamadeed la dayaco—si amarradu u noqdaan lagama-bogto.

• Kala fogeynta siyaasadda iyo ciidamada amniga. Ka fogee cutubyada khaaska ah goobaha wadahadalka; kalsoonidu waa ka jaban tahay kolonyada ciidamada iyo gaadiidkooda oo intaa ka wax badan ayey kalsoonidu goysaa.

• dib u soo nooleynta golahii wadatashiga qaranka. Samee jadwal joogto ah, ajende la shaaciyo, iyo war-saxaafadeedyo wadajir ah oo ka soo baxa kulammada dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Hab-raac furan wuxuu baqtiijinaysaa xanta.

• Soo noolaynta sharciyadda madaniga. Kormeerro hantiyeed oo dadweynaha loo bandhigo, warbixinno toddobaadle ah, iyo bogag xog-furan oo ku saabsan amniga iyo adeegyada bulshada—si qarsoodigu ugu beddelmo mid ku dhisan sharci iyo isla-xisaabtan.

Doorashada hortaal Soomaaliya

Hoggaamiye kalsooni leh wuxuu dhisaa hay’ado ku filan oo xaddida kara isaga—kana dheereeya awood maroogsiga. Hoggaamiye cabsanaya wuxuu uruursadaa jagooyin, wuxuu u rogaa ciidamada amniga aalad siyaasadeed, wuxuuna tafaftiraa wararka illaa uu isagu keli ku noqdo masraxa. Soomaaliya waxay horay u soo aragtay riwaayaddan; kuma dhammaato xasillooni, ee waxay ku dhammaataa aamusnaan. Dowladnimo dhab ah waxay ka dhigan tahay in hal nin “wax walba” uusan isaga ahayn. Waxaa wanaagsan in madaxtinimadu xoog tahay—laakiin ay xaddidan tahay, sharcigu xiro, baarlamaanku ku sandulleeyo, garsoorkuna uusan fasax weydiin marka uu dastuurka ilaalinayo.

Haddii Soomaaliya rabto inay ka baxdo hooska mugdiga ah ee taariikhdeeda casriga ah dul hoganaya, waa inay ku beddesho keligii talisnimada hoggaan deggen oo hay’ado shaqeeya leh. Taasi ma aha tabar-darro; ee waa xoogga kaliya ee jamhuuriyad ku waari karto.

Latest from Ladnaan

See all →
Follow us
InstagramTikTok