Sawir: Ladnaan Media archive
Garoowe, 28 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dembiyada Culus ee Puntland, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Wareegtada oo lambarkeeda lagu sheegay Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, ayaa lagu xusay in go’aankan uu qayb ka yahay dib-u-habeynta garsoorka iyo la dagaallanka caddaalad-darrada laga soo sheegayo hay’adaha sharciga ee ciidamada.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu tixgeliyey:
• Qodobka 80-aad (faqraddiisa 19-aad) iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland,
• Cabashooyin isdaba joog ah oo ku saabsan caddaalad-darro iyo ku takrifal awoodeed oo ka imanayey garsoorayaasha maxkamadda, iyo
• Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta xafiiska garsoorka iyo xeer-ilaalinta ciidamada.
Wareegtada madaxweynuhu waxay xustay qodobadan muhiimka ah:
• Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dembiyada Culus ee Puntland waa la kala diray.
• Dacwadaha iyo go’aannada ku saabsan dembiyada culus waxaa si ku-meel-gaar ah u maamuli doona Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, ilaa dib loo dhisayo Maxkamadda Ciidamada.
• Saraakiishii hore ee maxkamadda ayaa dib loogu celinayaa talisyadoodii hore.
• Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa markiiba, waxaana horey u saxiixay Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Go’aankan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tallaabooyinka uu Madaxweyne Deni ku doonayo inuu dib u habeeyo nidaamka garsoorka Puntland, si loo xaqiijiyo caddaalad, daahfurnaan, iyo isla xisaabtan dhab ah oo ku dhex jira hay’adaha ciidamada iyo maxkamadaha.



