Kacdoonkii Boorama Maxaa Ka socda?
Wararka Gobolada8 Disembar 20251 daqiiqo akhris

Kacdoonkii Boorama Maxaa Ka socda?

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka jiray qalalaase iyo mudaaharaadyo sababay iska horimaad u dhexeeyay ciidamada amniga iyo shacabka.

Sawir: Ladnaan Media archive


Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka jiray qalalaase iyo mudaaharaadyo sababay iska horimaad u dhexeeyay ciidamada amniga iyo shacabka.

Banaanbaxyo ay dhigayeen dad careysan ayaa sababay in ay isku dhacaan booliiska, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah ee dadka wax ku noqday.

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ballanqaaday in baaritaan buuxa lagu sameyn doono dhacdooyinkii ka dhacay Boorama, isla markaana la qaadi doono tallaabo ku habboon wixii khalad ah ee la ogaado.

Tan iyo gelinkii dambe ee shalay, xaaladda magaalada Boorama waxay ahayd mid deggan, ka dib maalmo ay ka socdeen mudaaharaadyo marar badan isu beddelay rabshado.

Isku dhacyadan ayaa ka tagay khasaare naf iyo maalba leh, waxayna kordhiyeen walwalka iyo walaaca shacabka, kuwaas oo hadda indhaha ku haya natiijada baaritaanka la ballanqaaday iyo in si nabad ah loo xalliyo cabashooyinkii sababay kacdoonka.

Ugu dambeeyay Ladnaan

Dhammaan →
Nala soco
InstagramTikTok