Sawir: Ladnaan Media archive
Alle ha u naxariisto Taliyihii Ciidanka Howlgelinta La-Dagaallanka Argagixisada ee Puntland, Jeneraal Axmed Cabdi Qalyaare, oo ku shahiiday degaannada lagu wado hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Waxaan samir iyo iimaan u rajaynaynaa qoyskiisii, eheladiisii, shacabka reer Puntland, iyo dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan safka hore ee dagaalladaasi.
Geeridiisu waa naf hurnimo iyo halgan qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo xorriyadda ummadda Soomaaliyeed.



