Galmudug oo xaqiijisay in la soo qabtay eedeysanayaal loo haysto dilkii Hooyo iyo 3 gabdhood oo ay dhashay
Wararka Gobolada11 Oktoobar 20251 daqiiqo akhris

Galmudug oo xaqiijisay in la soo qabtay eedeysanayaal loo haysto dilkii Hooyo iyo 3 gabdhood oo ay dhashay

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen dil naxdin leh oo loo geystay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Sawir: Ladnaan Media archive


Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen dil naxdin leh oo loo geystay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay. Falkaas murugada leh ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Qayib iyo Xiindheere ee gobolka Galgaduud, 9-kii Oktoobar 2025.

Sida ay sheegeen saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka, ciidamada ayaa muddo raadraac ku hayay eedeysanayaasha, waxaana la sheegay in dhammaan saddexdii nin ee lagu tuhunsanaa falkaasi ay hadda gacanta ciidamada ku jiraan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada dhammaan ragga lagu eedeeyay falka foosha xun, kuwaas oo la filayo in dhowaan la horkeeno maxkamadaha awoodda u leh si ay cadaaladda u wajahaan.

Taliska Booliska ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Galmudug doorkii ay ka qaateen soo qabashada eedeysanayaasha, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida guud ee bulshada.

Ugu dambeeyay Ladnaan

Dhammaan →
Nala soco
InstagramTikTok