Sawir: Ladnaan Media archive
Maamulka Waqooyi Bari ayaa tacsi u diray ehelka, qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kadib duqeyn 13-kii Sebtembar ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuh, gobolka Sanaag, taasoo ku naf waayay nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim.
Qoraal kasoo baxay maamulka ayaa lagu tilmaamay falkaasi inuu yahay mid aad u fool xun oo ka hor imaanaya dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac weyn u geysanaya nabadda iyo xasilloonida gobolka. Waxay si adag u cambaareeyeen diyaaradaha aan la aqoonsan ee ku hawlgala hawada Sanaag, kuwaas oo ay ku sheegeen inay khatar ku yihiin dadka iyo deegaanka.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay door muuqda ka qaadato ilaalinta hawada dalka iyo badbaadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna qayb ka noqoto baaritaanka lagu sameynayo dilka nabadoonka si loo helo caddaalad buuxda.
Ugu dambayn, maamulka ayaa ku celiyay in dhulka, hawada iyo sharafka shacabka Waqooyi Bari aan marnaba la taaban karin, lana dhowro karaamadooda.



