Photo: Ladnaan Media archive
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Haji (Carab), oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa si adag uga horyimid go’aanka lagu iibiyay dhulkii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan qeyb ka mid ah Kulliyadda Caafimaadka ee Gaheyr.
Xildhibaan Carab ayaa arrintan ku tilmaamay sharci darro cad oo dhaawac weyn ku ah mustaqbalka waxbarashada iyo caafimaadka dalka.
“Waan aad uga xumahay, kana canbaareynayaa in si sharci darro ah loo iibiyo dhul Jaamacadeed oo muhiim ah, gaar ahaan Kulliyaddii Caafimaadka,” ayuu yiri.
Dhaliisha iyo walbahaarka uu muujiyay
Xildhibaanku wuxuu sheegay in ay tahay nasiib darro weyn in goobihii waxbarashada la dayaco, iyadoo weli aan la fahmin qiimaha iyo muhiimadda ay u leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka.
Caddeymo uu soo bandhigay
Xildhibaan Carab ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo bandhigay laba qoraal oo muhiim ah:
• Digniin ka timid Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (24 June 2025):
Warqaddan oo uu ku saxiixnaa Prof. Xasan Cusmaan Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda, ayaa lagu sheegay in dhulkii Kulliyadda Caafimaadka uu yahay hanti qaran loona baahan yahay in la ilaaliyo, lagana hortago boob iyo xaraash sharci darro ah.
• Baaq uu soo saaray Xildhibaan Cabdullaahi Carab (09 September 2025):
Qoraalkan ayuu ku codsaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay degdeg uga hortagto iibinta dhulka, isla markaana ay si rasmi ah u caddeyso in dhulka Jaamacadda Ummadda uu yahay hanti qaran muhiim u ah waxbarashada iyo cilmi-baarista dalka.
Xaaladda hadda taagan
Qoraalkan iyo hadallada xildhibaanka ayaa yimid iyadoo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay bilaabeen burburin ka socota Jaamacadda Gaheyr ee Muqdisho, taas oo sii hurisay doodda iyo muranka ku saabsan ilaalinta hantida Jaamacadda Ummadda.



