Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Oo Iscasilay Saacado Yar Kadib Markuu Soo Magacaabay golahiisa wasiirada
World News6 Oct 20252 min read

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Oo Iscasilay Saacado Yar Kadib Markuu Soo Magacaabay golahiisa wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu ayaa iscasiley Isniin, isagoo xilka hayay wax ka yar bil, arrin sii adkeysay qalalaasaha siyaasadeed ee Paris xilliga dalka uu la tacaalayao miisaaniya

Photo: Ladnaan Media archive


Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu ayaa iscasiley Isniin, isagoo xilka hayay wax ka yar bil, arrin sii adkeysay qalalaasaha siyaasadeed ee Paris xilliga dalka uu la tacaalayao miisaaniyad farqi weyn ku jirto iyo dood adag oo ku saabsan kharashaadka bulshada.

Khudbad uu si qiiro leh u jeediyay, saacado kaddib markii uu shaaciyay golihiisa wasiirrada, ayuu Lecornu sheegay inuu isku dayay “inuu dhiso waddo hore loo marin balse xisbiyada si weyn u kala fogaaday aysan diyaar u ahayn isu–tanaasul. Wuxuu intaas ku daray in “jawi wax lagu maamuli karo aysan aysan meesha oolin,” isagoo eedda dusha uga riday kala qeybsanaan ku saleysan dano–xisbiyeysan: “Xisbi kasta wuxuu u dhaqmayaa sidii inuu kaligiis aqlabiyad isagu leeyahay Baarlamaanka.” Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa aqbalay iscasilaaddiisa.

Iscasilaaddu waxay ka dhigaysaa Lecornu ra’iisul wasaarihii ugu muddada gaabnaa ee Jamhuuriyadda Shanaad, sidoo kalena kii saddexaad ee sanad gudihii ku dhaca—taas oo muujinaysa in Faransiisku tan iyo doorashadii degdega ahayd ee 2024 ku guul–darraystay inuu helo aqlabiyad deggan oo dhaafin karta dhibaatada miisaaniyadda.

Lecornu waxa uu beddelay François Bayrou, oo la riday kaddib mooshin kalsooni–darro lagu riday markii uu soo jeediyay yareynta kharash–dhimis aan caan ku ahayn, oo ay ku jirto laba maalin–fasax qaran oo laga dhigay maalmo shaqo. Xukuumaddii uu Lecornu Axaddii ku dhawaaqay oo isugu jirtay dhexdhexaad iyo mid muxaafid oo inta badan ka tarjumaysay kuwii ka horreeyay—waxa ay markiiba la kulantay dhaleeceyn iyo shaki laga qabo in ay miisaaniyadda 2026 ku meelmari karto waqtigeeda.

Iscasilaaddu waxay cadaadis hor leh saaraysaa Macron. Mucaaradku waxay cusbooneysiiyeen baaqyada doorashooyin baarlamaan oo degdeg ah, kuwaas oo laga yaabo inay u roonaadaan National Rally ee Marine Le Pen, xitaa qaar ayaa ku baaqay in Macron isagu iscasilo—arrin uu hore u diiday. Falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in Macron hortiisa yaalliin saddex waddo oo khatar leh: inuu magacaabo ra’iisul wasaare kale oo ku socda wadadii kuwii hore, inuu baarlamaanka kala diro oo uu aado doorashooyin cusub, iyo inuu iscasilo. Midda ugu dhow waxay tahay magacaabista ra’iisul wasaare cusub, hase yeeshee kala qaybsanaanta maanta jirta waxay keeni kartaa in “midkaan kale toddobaadyo gudahood la rido” haddii heshiis laga waayo miisaaniyadda.

Xasillooni–daradani waxay gilgishay mid ka mid ah quwadaha ugu waaweyn ee Midowga Yurub iyo dhaqaalaha labaad ee ugu weyn aagga euro–ga, iyadoo Faransiisku wajahayo cadaadis dhaqaale, kala–fogaansho siyaasadeed, iyo su’aalo qoto dheer oo ku saabsan waaritaanka qaabka kharashaadka bulsho—xilli Yurub ay ka falcelinayso Ruush xoog badan iyo xiriir Maraykan oo mararka qaar kacsan.

Latest from Ladnaan

See all →
Follow us
InstagramTikTok