Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo amray in si adag loola tacaalo qalalaasaha, digniinna ka bixiyay xasilooni-darro siyaasadeed
Regional News7 Sept 20251 min read

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo amray in si adag loola tacaalo qalalaasaha, digniinna ka bixiyay xasilooni-darro siyaasadeed

Baydhabo, Soomaaliya – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ciidamada ammaanka ku amray in ay tallaabo adag ka qaadaan wax kasta oo khatar ku ah

Photo: Ladnaan Media archive


Baydhabo, Soomaaliya – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ciidamada ammaanka ku amray in ay tallaabo adag ka qaadaan wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida Baydhabo, xilli xiisado siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan.

Laftagareen oo farriin u diray hay’adaha ammaanka ee maamulka ayaa ka digay isku day kasta oo lagu wiiqayo awoodda maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ku baaqay in si adag loola dhaqmo cid kasta oo khalkhal galinaysa ammaanka.

“Ciidamada waa in ay si cad u wajahaan qof kasta oo isku dayaya in uu carqaladeeyo magaalada ama caqabad ku noqdo maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdicqaadir, oo ah xulafada dhow ee Laftagareen, ayaa isna sheegay in hub sharci-darro ah aan mar dambe laga oggolaan doonin gudaha Baydhabo.

“Hub sharci-darro ah laguma arki karo Baydhabo — ciidamada dowladdu iyo kuwa sharciyeysan oo keliya ayaa loo oggol yahay in ay hub sitaan,” ayuu ku adkeystay wasiirka.

Tallaabooyinkan amniga ah ayaa yimid iyadoo xiriirka maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ee Muqdisho uu sii xumaaday, iyadoo labada dhinac ay sii kordheen shakiga iyo is-aamina la’aanta.

Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in khilaafkaasi uu qeyb ka yahay xiisadda ballaaran ee ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, taas oo khatar ku noqon karta dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Ilaa iyo hadda, Madaxtooyada Federaalka ee Villa Soomaaliya wax jawaab ah kama aysan bixin hadallada kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Latest from Ladnaan

See all →
Follow us
InstagramTikTok