Japan oo isu diyaarinaysa hoggaamiyahii ugu horreeyay oo dumar ah iyadoo Sanae Takaichi ku guuleysatay hogaanka xisbiga LDP
World News4 Oct 20252 min read

Japan oo isu diyaarinaysa hoggaamiyahii ugu horreeyay oo dumar ah iyadoo Sanae Takaichi ku guuleysatay hogaanka xisbiga LDP

Dalka Japan ayaa u muuqda inuu galay bog cusub oo taariikhi ah, kadib markii Sanae Takaichi, oo ah siyaasiyad muxaafid adag, ay ku guuleysatay hogaanka Xisbiga Liberal Democratic Party (LDP), taas oo

Photo: Ladnaan Media archive


Dalka Japan ayaa u muuqda inuu galay bog cusub oo taariikhi ah, kadib markii Sanae Takaichi, oo ah siyaasiyad muxaafid adag, ay ku guuleysatay hogaanka Xisbiga Liberal Democratic Party (LDP), taas oo ka dhigeysa musharaxa ugu dhow ee noqda ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee dalkaas.

Takaichi oo 64 jir ah ayaa Sabtidii ku guuleysatay doorashada hogaanka xisbiga, iyadoo ballanqaaday inay xoojineyso difaaca qaranka iyo amniga dhaqaalaha, si ay dalka ugu hoggaamiso xilli ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo dhaqaale oo sii xoogeysanaya.

Waxay ka adkaatay laba musharax oo caan ah – Shinjiro Koizumi, oo 44 jir ah kana mid ah wejiga isbeddelka jiilka cusub, iyo Yoshimasa Hayashi, siyaasi waayo-arag ah balse aan soo jiidan taageerada dadweynaha.

Marka baarlamaanka si rasmi ah u ansixiyo – arrin aad loo filayo maadaama LDP ay hayso aqlabiyadda – Takaichi waxay noqon doontaa ra’iisul wasaarihii shanaad ee Japan shan sano gudahood iyo haweeneydii ugu horreysay ee hogaamisa dowladda dalkaas.

Guusheeda ayaa imaneysa iyadoo kalsoonida dadweynaha ee xisbiga LDP ay si weyn u hoos u dhacday, sababo la xiriira sicir-barar iyo fadeexad maaliyadeed, halka xisbiga midigta fog ee Sanseito uu kasbanayo taageerayaal cusub.

Si ay dib ugu soo ceshato taageerada xisbiga, Takaichi waxay qaadatay mowqif adag oo ku aaddan socdaalka iyo dalxiiska shisheeyaha, kuwaas oo ahaa arrimo muran dhaliyay inta lagu jiray ololaha hoggaanka.

Takaichi, oo horey u soo noqotay wasiirka amniga dhaqaalaha, ayaa caan ku ah mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah Shiinaha iyo booqashooyinkeeda joogtada ah ee macbadka Yasukuni, oo lagu xusaa askartii Japan ku dhimatay dagaalladii, balse ay ku jiraan dambiilayaal dagaal, taas oo si joogto ah uga careysiisa dalalka deriska ah ee Aasiya.

Si kastaba ha ahaatee, ololahan dambe waxay Takaichi muujisay hadal jilicsan, taas oo ka duwan ololihii hore ee ay ku ballanqaadday inay booqan doonto Yasukuni marka ay noqoto ra’iisul wasaare – ballanqaad keentay in ay khasaaro tartankii hore ee ay la gashay Shigeru Ishiba.

Guusheeda ayaa calaamad u ah isbeddel taariikhi ah oo ku wajahan dimoqraadiyadda iyo doorka haweenka ee siyaasadda Japan, iyadoo dalka uu u diyaar garoobayo hoggaan cusub oo isku dheelitiraya qaranimada, dhaqanka, iyo isbeddelka haweenka ee taariikhda cusub.

Latest from Ladnaan

See all →
Follow us
InstagramTikTok