Photo: Ladnaan Media archive
Xildhibaanadda Kongareeska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa si kulul u cambaareysay hadalladii dhowaan Donald Trump uu ku weeraray Soomaalida ku nool Minnesota, iyadoo ku qeexday “kuwa gebi ahaanba laga naceyo”, isla markaana ka digtay in “hadallo naceyb ah” ay horseedi karaan falal halis ah oo ay sameeyaan kuwa hadalka madaxweynaha maakhala.
Trump ayaa lagu sheegay inuu Soomaalida ugu yeeray “qashin”, isla markaana ku baaqay in dib loogu celiyo Soomaaliya, isagoo dalkaas ku sifeeyay meel “dadku iska dhex dilayaan”. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Soomaalida in ay “balaayiin doolar” ka qaateen Maraykanka.
Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kana soo jeeda deegaan ay Soomaali badani ku nool yihiin, ayaa wareysi ay siisay Face the Nation ku difaacday bulshada Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale “foosha xun” ku tilmaantay kiisaska musuq-maasuq ee qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota lagu eedeeyay, balse ay xustay in iyadu ay ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee codsaday in si buuxda loo baaro.
Waxay beenisay eedeymo aan la caddeyn oo ka imanaya maamulka Trump oo sheegaya in lacagaha la musuqmaasuqay ay gaareen ururka al-Shabaab, iyadoo ku doodday in haddii xiriir noocaas ahi jiri lahaa ay ka dhigan tahay guul-darro hay’adaha amniga iyo maxkamaduhu ku jiraan in aysan ka helin caddeymo oo aysan dacwad ku soo oogin.



