Banaanbaxyada “maya Boqortooyo” oo ka dhacay Denver iyo guud ahaan Colorado ayagoo uga soo horjeeda Trump
World News19 Oct 20252 min read

Banaanbaxyada “maya Boqortooyo” oo ka dhacay Denver iyo guud ahaan Colorado ayagoo uga soo horjeeda Trump

tobaneeyo kun qof oo isugu soo baxay magaalooyin badan oo Colorado ka tirsan si ay uga mudaaharaadaan siyaasadaha madaxweynah Trump.

Photo: Ladnaan Media archive


tobaneeyo kun qof oo isugu soo baxay magaalooyin badan oo Colorado ka tirsan si ay uga mudaaharaadaan siyaasadaha madaxweynah Trump.

DENVER — Laga bilaabo jardiinooyinka hore ee Capitol-ka Denver ilaa waddooyinka magaalada Grand Junction, tobanaan kun oo reer Colorado ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay bannaanbaxyada qaran ee “No Kings”, kuwaas oo lagu diidan yahay siyaasadaha iyo ficillada madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Mudaaharaadyadan ayaa ka dhacay in ka badan 50 magaalo iyo tuulo oo ku kala yaal gobolka — laga bilaabo magaalooyinka waaweyn sida Aurora, Colorado Springs, iyo Boulder ilaa bulshooyinka yaryar ee Lamar, La Junta, Cortez iyo Steamboat Springs.

Bartamaha magaalada Denver, kumannaan qof ayaa buuxiyay Civic Center Park iyo waddooyinka ku dhow, iyagoo kor u qaaday calaamado gacanta lagu qoray oo lagu cambaareynayo kelitalisnimo iyo lagu taageerayo dimuqraadiyadda. Qaar ka mid ah dadka ayaa xirtay dhar caadi ah sida jaakado iyo surwaal jiinis ah, halka qaar kalena ay xirnaayeen dhar madadaalo sida unicorn-yo iyo dinosaur-yo la buufiyo.

“We’re here to remind people they’re not alone,” ayuu yiri Dan Weitz, 62 jir ka soo jeeda Niwot, oo xirnaa dhar digaag ah oo uu ku dayday kuwii lagu arkay mudaaharaadyadii Portland. Calaamaddiisu waxay lahayd, “I hate American Nazis.”
“Weligey waan ahaa qof jecel Mareykanka iyo dimuqraadiyadda,” ayuu yiri. “Marka aan arko Congress-ka oo ka tagaya kaalintiisa sidii laan madax-bannaan oo dowladeed, waa in arrintaas la cambaareeyaa.”

Qaban-qaabiyeyaasha ayaa sheegay in mudaaharaadyadu ay kaga jawaabayaan waxa ay ugu yeereen ku-takri-fal awoodeed oo federaal ah — oo ay ka mid yihiin dirista ciidamada federaalka magaalooyinka, bartilmaameedka qoysaska muhaajiriinta, iyo khataraha lagu hayo codbixinta, deegaanka, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.

Dadka isugu soo baxay waxay ahaayeen da’ kasta leh — laga bilaabo waalidiin ilmahooda riixaya ilaa dadka waayeelka ah ee lixdankii iyo toddobaatankii jirka ah.

Aabe iyo wiilkiisa oo ka yimid Thornton, Marcus iyo Mosa Farmer, ayaa sheegay in ay u yimaadeen si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan maamulka Trump.
“Waa muhiim in dadku codkooda maqashiin,” ayuu yiri Mosa, 21 jir. “Dimuqraadiyaddeennu si cad ayaa loo burburinayaa hortayada.”
Aabbihiis Marcus ayaa raaciyay, “Dalkaan wuxuu ku dhashay bannaanbax, waana inaan taas xusuusannaa.”

Degenaha Littleton Tia Decolati, 26 jir, ayaa tiri waxay u timid si ay u taageerto bulshada iyo in ay muujiso in banaanbaxyadu aysan ahayn nacayb ama rabshad.
“Dad badan oo isku meel socdaa waxay muujinayaan in arrintu sidaas aysan ahayn,” ayay tiri. “Inkasta oo dadku ay ka careysan yihiin arrimo kala duwan, haddana socodkeenna wadajirka ahi wuxuu tusayaa midnimo.”

Duhurnimadii, dadkii ku sugnaa Civic Center ayaa bilaabay inay u baxaan waddada Colfax Avenue, iyagoo sii maray 15th Street. Muddo nus saac ah ayaa dad cusub kusii biirayay safka, iyadoo qaylada “No Kings!” ay ku faafaysay guud ahaan bartamaha Denver.

Latest from Ladnaan

See all →
Follow us
InstagramTikTok